Support Center
Su'aalaha Badiyaa La Isweydiiyo - Computer
Halkan ka hel jawaabaha su'aalaha badanaa la is weydiiyo ee ku saabsan Baro Computer.
Guud ahaan Baro Computer
Baro Computer waa machad online ah oo kuu sahlaya inaad barato xirfadaha kompiyuutarka iyo barnaamijaynta (Web Design, Software Engineering, Cyber Security & AI) adigoo jooga gurigaaga ama goobtaada shaqada.
App-kan waxaa loogu talagalay:
- Ardayda doonaya inay bartaan Aasaaska Kombiyuutarka
- Koodh-qorayaasha doonaya Web Design & Full-Stack Software Engineering
- Xirfadlayaasha u diyaar-garoobaya Cyber Security & AI
Manhajka oo dhameystiran waa 4-ta qeybood: Aasaaska (4 Bilood), Web Design (6 Bilood), Software Engineering, iyo Cyber Security & AI (12 Bilood).
Ardaygu bil walba horumar la taaban karo ayuu sameynayaa.
Ardaygu bil walba horumar la taaban karo ayuu sameynayaa.
Casharada & Qaabka Waxbarashada
Cashar kasta wuxuu ka kooban yahay: Muuqaal (Video), Live Code Sandbox, iyo Homework.
đ Waa muhiim: Inaad daawato muuqaalka si aad u fahamto casharka. Qeybaha kale waa dheeri.
đ Waa muhiim: Inaad daawato muuqaalka si aad u fahamto casharka. Qeybaha kale waa dheeri.
Waxaad qaadan kartaa hal cashar maalintii kaliya. Maalinta cusub waxay bilaabaneysaa 04:00 AM (waqtiga Subax).
Haa, waxaa jira Live Code Sandbox gaar ah oo aad ku baraneyso koodh-qorista iyo mashaariicda dhabta ah.
Wax dhib ah ma leh. Waxaad casharadaada ka sii wadan kartaa maalinta xigta isla halkii aad uga hartay.
Isdiiwaangelinta & Bilaabidda
Buuxi form-ka isdiiwaangelinta â Email ayaa kuu soo dhacaya â Guji link-ga ku jira emailka si aad u xaqiijiso.
Xaqiijinta emailku waa qasab si:
- Loo sugo amniga account-kaaga
- Loo xaqiijiyo inaad tahay isticmaale dhab ah
Haa, marka aad emailka xaqiijiso waxaad helaysaa 24 saac free trial iyo isticmaal buuxa oo app-ka ah.
Inta badan adeegyada waa la xiraa ilaa aad iibsato subscription (lacagta isqorista ee bisha).
Qiimaha & Bixinta Lacagta
- đ°đĒ Kenya: 2,000 KES bishii
- đ Dalalka kale (sida Somalia): $15 bishii
Raac tilmaamaha ku jira payment form-ka ee app-ka dhexdiisa. Habka waa mid aad u sahlan oo si toos ah u shaqeynaya.
Lacagta waxaa la xaqiijiyaa waqti yar gudahood, app-kana si toos ah ayuu kuu furmayaa adigoon cidna sugin.
Tag Profile â Subscription Information. Halkaas ayaad ka arki kartaa goorta bisha xigta la bixinayo.
App-ka & Isticmaalka
Maya, waxaan leenahay Website iyo App aad ku soo dejisan karto telefoonka. Marka aad gasho, waxaad arki doontaa fariin kuu tilmaameysa sida loo download gareeyo.
Haa đ Markaad dib u bixiso lacagta bisha ama aad soo gasho, waxaad si toos ah uga sii wadeysaa halka aad ka joogtay, ma lunto xogtaadii hore.
Waqtigan xaadirka ah, barnaamijku wuxuu u baahan yahay in internetku daaran yahay si aad u daawato muuqaalada una gudbiso shaqo-guriyeedkaaga (Homework).